Shirwaynihii Golaha Imaamyada oo ka furay Magalaada Columbus, Ohio

August 16, 2014
0 Comments
858
Abdullahi Xagalle
Ohio:-Waxaa si habsami leh uga socdo gobalka Ohio Magaalada Columbus,shirkii sanadlaha ahaa ee ay isugu imaanjireen Golaha isutaga Masaajida ee Waqooyi Maraykanka.

Shirka ay sanad walba isugu imaadaan golaha ayaa waxaa looga hadlaa qodobo muhiim u ah dhamaan umada islaamka ah gaar ahaan jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool W/Maraykanaka. 

Shirka sanadkan ayaa waxaa ka soo qayb galay maraakis gaarayso 25 Masjid oo kakala yimid gobalada kala gadisan ee uu majlisku ku leeyahay Masaajida iyo Maraakista. Shirka sanadkan ayaa waxaa ka soo qayb galay 4 Masaajid oo sanadkan ku soo biiray golaha Isutaga Masaajida ee W/Maraykanaka .Arintaas oo ah horumar uu ku tilaabsaday golaha.



 

 

Madaxa Fulinta Majliska
Sh Abdalla Abul-Fadli.