CIID WANAAGSAN. Maalinta Ciidu waa Arbacada July 6, 2016

Monday July 04, 2016 - 19:01:43
0 Comments
1955
Abdullahi Xagalle
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Walaalaha sharafta leh ee reer Boston iyo nawaaxigeeda waxaa Masjid Attaqwa uu ku wargelinayaa soo foodsaaridda maalika Ciidul Fitri oo noqon Maalinta Arbacada July 6, 2016.
Walaalayaal sida nebigeenna ka sugnaatay waxaan ku ciidaynaa oo raacaynaa aragtida bisha ama dayaxa Shawwaal. Haddaba, Masjid Attaqwa waxaa uu dhamaantiin idiinku hambalyaynayaa farxaddan ballaadhan ee umadda muslimka ahi meel walba oo ay joogaan uga dabaal degayaan. Walaalayaalow waxaa Salaadda Ciidda ee Boston sanadkan lagu tukan doonaa addresskan:

Melnea A. Cass Recreational Complex
120 Martin Luther King Jr. Boulevard
Roxbury, MA 02119 


Waa isgoyska Washington Street iyo Martin Luther King Jr. Boulevard-- ama meesha dhalinyarada Somalida Weekends ku cayaaraan kubada cagta.

Ciiddan waxaa soo wada abaabulay Masjid Attaqwa, iyo Masjid Alxamdulillah. Walaalayaal waxaan idinka codsanayanaa in wakhtiga salaadda la ilaaliyo ayadoo takbiirtu bilaaban doonta 7:15 AM salaaddana la geli doono 8AM.

Masjid Attaqwa waxaa uu idin leeyahay:  

KULLU CAAM WA ANTUM BIKHEYR. TAQABALALLAH MINNAA WA MINKUM.

كل عام وانتم بخير, تقبل لله منا ومنكم صالح الاعمال

Walaalayaal fariintan gaarsiiya dhamaan qaraabada, asxaabta iyo dhamaan dadka muslimiinta ah