kaas oo iskugu jira Muaxaadarooyin, Workshops, su’aalo & Jawaabo, Dawroyin, Sports, Tartamo, Bandhig Quraan iyo qaybo badan oo kamid ah Arimaha Bulshada.
Muatamarku sanadkaan wuxuu dhacayaa Nov 24, 25, iyo 26 ee ku beegan Jimce Sabti iyo Axad. Waxaa kasoo qayb gali doona Culima- u-diin kala duwan oo reer Boston ah iyo qaar ka imaan doona Gobalada dalka; waxaadna ka arki kartaa Flyer-ka hoose.
Sanadkan hal-ku-dhiga Mutamarka wuxuu noqonayaa Hadith-ka Nabigeena (SCW) oo oranaya " Aduunyada ku ahaw qof qariib ah ama qof wado gonaya”
Hadaba walaashayda Muslimada aheyn ama Walaalkayga Muslimka ahaw Fursadaan weyn ee aadka u qiima badan ka faa’iidayso oo yeysan ku dhaafin. Asxaabtaada, Qaraabadaada iyo dhamaan inta aad wanaaga lajeceshay ugu bishaaree kulan diimaadkaan kuna casum oo hubi inay kasoo qayb galaan si aad faa’iido iyo ajar u wada heshaan.
Mutamarku wuxuu ka dhacayaa English High School oo sadexdii sano ee lasoo dhaafay namarti galiyey. Address-ka, Saacadaha iyo wixii Macluumaad dheeraad, Fadlan kaga bogo Flyer-ka hoose.