Alhamdulillah, Mu'tamarkii 10-aad oo si farxad leh noogu soo gaba gaboobay

November 27, 2017
0 Comments
477
Waxaa Alle mahadii ay inuu noo soo gaba gaboobay Mutamarkii 10-aad ee marti galisay markaska wayn ee Boston Islamic Center- Majid Altaqwa; kaasoo ku beegnaa taariikhdu markay ahayd Jimce ilaa Axad, November 24-26, 2017.

Mutamarka oo socday 3-maadmood ayaan waxaa aad uga soo qayb galay dadwaynaha kala duwan ee reer Boston iyo marti inooga timid gobalada Maine iyo Ohio. Waxayna u ahayd sadex maalmood oo ay aad uga faa'ideen saamayn wayna ku reebay quluubda- Mash Allah

Hal kudhiga Mutamarka ee sanadkaan ayaan ahaa Xadiiska Nabigeena Mohammad SCW kaas oo macnihiisu yahay (Aduunyada ku ahaw qof soo galooti ama sidii qod wada goynaya oo kale) waxaana aad u kala dhig-dhigay dadwaynihii kasoo qayb galayna aad ugu faa'ideeyey culimo kala duwan oo iskugu jirta qaar nooga yimid goballo kale iyo culimada reer Boston. Waxaana culimadaas kamid ahaa: Sh. Abdulkhaliq Jama, Sh. Abdinasir Osman, Sh Muse Ashcari, Sh Ahmed Dhuubow, Ustad Mohamed Diini, Sh. Ukasha Kemany, Sh. Abdullahi Anshur, iyo Sh Abdulkhaliq Diriye. Ilaahay culimadaas cilmigooda ha u barakeeyo annagana hannaga yeelo kuwii waanada maqla kuna dhaqma.


Sanadkaan BIC Dugsi wuxuu soo bandhigay 6 araday oo dhamaysay Quraanka kariimka iyo 35 arday oo kasoo gudbay farbaradka isla markaasna bilaabay Quraanka Kariimka. Ilaahay macalimiintaas soo saartay ardaysaa haka ajar siiyo, Waalidiinta  ku soo dadaalayna Ilaahay anfac ha uga yeelo sidoo kale, ardayna Alle haka yeelo kuwii barta isla markaasna sii bar dadka. Amiin

Sports sanadkaan waxaa kasoo qayb galay dhalinyaro katimid Columbus Ohio oo matalayey Markazka wayn ee Ibnu Teymiya.  Waxay laciyaareen dhalinyarada Taqwa ballers. labad kooxood ways oo madhigeen ciyaar aad u xiisa badan, waxayna guusha raacday dhalinyarad taqwa ballers. sports waa qayb wayn oo kamid horumarinta dhalinyarada si looga hortago dhaqamada aan wanaagsanayn ee streets yaalla.

Dhalinyarada BIC waxay soo badhigeen mawduucyo kala duwan oo dadwaynihii kala duwnaa ay aad uu riyaaqeen. waxaana kamid ahaa:
 Muhiimada Xijaabka, Tartamo Diini, iyo taariikh iskugu jirtay, Bandhigyo Anaashiid ah, Bandhigyo Quraan ah, Gabayo aad u xiisa badan iyo arimo kale. oo badan.  

Hooyooyinka Masjidka ayaan ah laf-dhabarka Mutamarka. waxay masuuliyada iska saareen oo kafaala qaadeen dhamaan martida waxay cuni lahaayeen iyo meeshii ay jiifsan lahaayeen. sidoo kale waxay dad waynihii kasoo qayg galayna u diyaariyeen mac-macaan iyo casariye aad loogu bogay. Ilaahay hooyinkaas hanoo daayo, danbigooda Alle ha u dhaafo, awlaadooda Ilaahay ha u dhawro Amiin Ilaahaw.

Mutamarka sanadkaan 2017 oo ahaan kii 10-aad waxaa 90% soo diyaariyey dhalinyarada Masjid-ka oo leh gabdho iyo wiilaal. wuxuu kusoo idlaaday iyo Farxad iyo Guul. Ilaahay dhamaan walaalihii ka qayb qaatay danbigooda ha dhaafo, xoogii iyo maskaxdii ay sadaqaysteena Ilahay maalinta Qiyaami ajar farabadan ha igu badalo.

Sawirada hoos ka daawo