Sh Abu-Fadli noo Marti ah March 8-11, 2018

March 06, 2018
0 Comments
147
Abdullahi Xagalle
Waxaan walaalaha khayrka jecel ugu bishaaraynaynaa inuu noo imaan doono Sheikh Abdullahi Abu-Fadli oo ah Imamka Masjid Assunnah, St. Paul, MN.

Sheikhu Wuxuu noo imaanayaa Khamiita March 8, 2018 wuxuu nala joogayaa ilaa Axada March 11, 2018.


Sheikhu wuxuu bixin doonaa Muxaadarooyin iyo Cashiro faa'iido noo ah. Jimcaha galinka danbe wuxuu soo jeedin doonaa Muxaadaro Jamaacada oo dhan. Sabtida wuxuu gali doonaa Muxaadaro khaas u ah Dumarka. Wuxuu sidoo kale, Salaada Subax bixindoonaa sheikhu Kitaab Caqiido ah.



Fadlan Fariintaan gaarsii dhamaan dadka aad wanaaga lajeceshay ee imaan kara.

Wixii Macluumaad dheeraad kaga bogo Flyer-ka hoose. Mahadsanid