Waasicinta Masjidka oo bilaamatay

March 27, 2018
0 Comments
187
Warbixin kooban oo ku saabsan meesha uu marayo waasicinta Masjidka
Walaalayaal sida aad lasocotaan waxaa dhawaan  (3/21/2018) bilaamay waasicinta Masjidka. Madaama inta inoo dhisan aysan kuwada filnayn jameecada ama ardayda Dugsiga, Waxaan qaadanay go'aanka ah inaan ku darno inta hada dhisan in lamid oo dhinaca danbe looga daro. 
Inta lagu darayo waxay ka koobnaan doontaa (Musalle waasac ah, Cafeteria/ maqaaxi yar, qol wayn oo wixii ladoono loo isticmaali doono) 


Guud ahaan Dhaqaalaha ku kacaya:
$575,000
Wajiga Koowaad
$200,000
Qaadida Ciida, dhisida aasaaska Masjidka, laamiyeynta  iyo dhisida dabri shub ah oo  celiya ciida.
Wajiga  Labaad
$375,000
Dhisida Musallaha iyo Cafeteria-da
Wakhti intee la'eg ayuu qaadanaysaa dhismaha?
Annaga ayey nagu xirantahay. hadii aan wada hayno lacagtaas ugu badnaan lix (6) bilood ayey qaadanaysaa.