Waxaa mahad dhamaanteed iska leh Allah SW. oo si wanaagsan noogu dhameeyey Mutamarkeenii 11-aad kaas dhacay Nov 23-25, 2018. Waxaa sidoo kale u mahad celinaynaa Culimadii goballada kala duwan nooga yimid si ay noogu faa'iideeyaan. waxaan leenahay Alle ajar ha idinka siiya Wacdigii qiimaha lahaa ee aad quluubteena ku shubteen, Alle-na naga dhigo kuwii ku camal falla.
Culimadii nagala soo qayb gashay waxay kala ahaayeen:
- Imam Mohamed Mufti
- Sh. Yusuf Abdulle
- Sh. Abdulbury Yahya
- Sh. Cusman Yusuf
- Sh. Mohamud Garyare
- Sh. Abdullahi Anshur
- Sh. Salah Abdisamad
- Sh. Mahdi Irobe
- Sh. Abdulxayi Jama
Sidoo kale, Waxaan mahad celinaynaa hooyooyinka udub dhexaadka u ah Masjidkeena oo 3 maalmood ee Mutamarku socday nala kor joogay cunto iyo cabitaan aan kala go' lahayn. Ilaahay waxaan waydiisanaynaa in Hooyooyinka danbigooda dhaafo, cimrigooda u dheereeyo, awlaadoodana u wanaajiyo. Ilaahaw Aaamin.
Ugu danbayn, waxaan u mahadcelinaynaa Team-kii soo diyaariyey Mutamarka 11-aad, oo sanadkaan ay si wada jir ah u maamulayeen Ahmed Bashe iyo Amina Mohamed.