Waxaa Alle Mahadii iyo farxad inoo ah dhismaha Masjidku uu meel fiican noo marayo. Waxaan dhihi karnaa shaqada Masjidka waxaa harsan oo kaliya in kayar 5% taas oo ah dhamaystirka Masjidka. waxaa isleenahay waa inta ugu dhib badan madaama ay tahay qurxinta oo qof walba oo jameecada kamid ahi uu doonayo inuu talo ku darsado annagu aan talooyinkaas wanaagsan kala doorashu ugu jirno.


Ilaa Hada waxaa la dhameeyey, biyo galinta, koronto galinta, qaboojiyaha iyo kuleeliyaha, saqafka kore iyo kan gudaha, albaabada iyo dariishadaha, rinjinga qaybta banaanka iyo waynaynta Musqulihii hore oo ciriiri ahaa. intaas waxaa dheer in shalay oo tariikhdu ahayd October 21, 2019 Masjidka lasaaray Minaaradii iyo Qudbigii oo aad u qurxiyey Masjidka. Masha Allah.
dhanaca dhaqaalaha. wali waxaan u baahan nahay lacag gaaraysa $60,000 oo dollar, si masjidku gabi ahaanba noogu dhamaystirmo hadii Allle yiraahdo bisha soo socota ee November. hadii aad dhawr jeer oo hore masjidka lacag ugu bixisay iyo hadii kaleba, waxaan u baahan nahay inaad lacagta nagu dhiman aad qaybtaada qaadatid adoon wakhti lasugayn.
Ilaahaw intii Masjidkaaga ka qayb qaadatay danbigooda u dhaaf, irsaaqadooda waasic uga dhig, awlaadooda u hagaaji, kur booyinka ay qabaan ka feyd. Ilaahaw Amiiiin.


