Nadwada Soo Dhawaynta Bisha Ramadan 2021

Wednesday April 07, 2021 - 21:12:49
0 Comments
313
Abdullahi Xagalle
Jamaacatul Kheyr, Waxaan idin ku wargalinaynaa in Masjkeena ay ka dhici doonto Nadwo ay Culimadeena uga hadli doonaan Ramadaan iyo soo dhawayntiisa.

Sida aad wada ogsoon tihiin Ramadaan waxaa ka dhaman maalmo kooban waxaana loo baahan yahay in laysku diyaariyo. Culimada ka qayb gali doonta waxaa kamid ah:

Imam Mohamed Mufti
Sheikh Salah Abdisamad
Sh Mohamed Fawzi
Sheikh Mohamed Shakir
Mawlana Khadar Mohamed
Culimad ayaa dul istaagi doono mawduucyo kala duwan oo ku saabsan sidaan ugawa faa’iidaysan lahayn Bishaan Barakaysan ee Ramadan. Nadwadu waxay dhici doontaa Maalinka Jimcaha ah oo ay bishi tahay April 09, 2021 saacaduna ay tahay 7:30-8:40 PM. 


Habada, qof walba oo awooda waxaan ku dhiiri galinaynaa inay kasoo qayb galaan Nadwadan isla markaana ay gaarsiiyaan dhamaan inta ay wanaaga iyo khayrka la jecelyihiin.

Nadwadan waxaad si toos uga bixi doontaa Facebook Masjidka HALKAN
Ka faa’iidaysi wacan