Assalaamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakaatuh...

Walaalaha soomaaliyeed ee sharafta leh ee ku nool magaalada Boston iyo nawaaxigeeda waxaa ay Boston Islamic Center ugu bushaaraynaysaa dhalashada bisha Dul-Xijjah ee sannadka Hijriga ee Islaamka. Waxaa walaalayaal bishan ku jira 10 maalmood oo qiime aad u heersarreeya uu Allah iyo rasuulkiisuba usoo jeediyeen. Runtii horta marka hore Allah ayaa ku dhaartay (Walfajr,,, Walayaalin Cashr), suubanihii nebi Muxamedna (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) waxa uu yidhi (majiraan maalmo camalka wanaagsani kaga khayr badanyahay).
Haddaba, waxaa markale Boston Islamic Center idiinku hambalyaynaysaa Ciiddul Adxaha oo ku beegan Sabtiga October 4, 2014. Walaalayaal waxaa munaaasibadda ciiddu ka dhici doontaa sanadkan (650 Dudley Street Boston, MA 02125) waxaan salaadda la tukanayaa (8:30 AM). Waxaa dhamaantiin laidinka codsanayaa inaad kasoo qeybgashaan soona degdeg taan. Wixii maclumaad dheeraad ah Ogaysiiska hoose ka dheeho
Mahadsanidiin![]()
