Ciidu waa Sabtida waxana lagu tukun isla meeshii lagu tukaday Ciidii Soon-fur

Friday October 03, 2014 - 01:42:55
0 Comments
2165
Assalamu Calaykum Wr Wb: Ciid Wanaagsan dhamaan walaaha Muslimiinta ah. Bari waa maalin Jimce ah oo ku beegan Maalinta wayn ee CARAFA. Soonka Maalintaas Waxaa lagu dhafaa danbiyadii sanadkii tagay iyo kan soo socda. aan kawada Fa'idaysano jaaniskaan weyn.

Maalinka Ciidul Adxa waxay ku beegan tahay Sabtida October 4th, 2014 waxaa lagu tukanayaa isla meeshii lagu tukaday Ciidi Soon-Fur. waa Salvation Army, 650 Dudley Street Boston, MA 02125.Takbiirtu waxay bilaaban 7:30 am, Salaadana waxaa latukanayaa 8:30 am. Hal salaat ayaa latukanayaa laakin hadii loo baahdo mid labaad waa latukan Insha Allah. Fadlan horay usoo qaado Sajaayadaada/Saligaaga maadama meeshu tahay Gym.


Sida aad lasocotaan Goobtaan waxay leedahay Parking wayn oo Insha Allah nadeeqaya. qofkii baabur ku imaan karo haku imaado qofkii kalena wuxuu soo qaadan kanaa BUS lambarka 15 ama 41 oo goobta istaaga

Wixii Macluumaad dheeraad ah Fadlan Halkan nagala soo xiriir ama naga soo wac 617-522-1881. sidoo kale nagala soco webka Masjidka www.bicmasjid.com


Waad Mahadsantihiin