Markaska Boston Islamic Center oo doortay Gudoomiye cusub

Saturday October 18, 2014 - 00:47:04
0 Comments
2809
Abdullahi Xagalle
Maanta oo taariikhdu tahay maalin Jimca ah kuna beegan October 17, 2014, waxaa Xarunta Markaska Boston Islamic Center ama Masjidka Altaqwa ka dhacday Munaasanad ballaaran oo ay soo abaabuleen Gudiga Masjidka iyo dhalinyarada Altaqwa.


Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qayb galay Gudiga Masjidka, Imam-ka Masjidka, Dhalinyarada Masjidka, Wax-garad iyo aqooyahano kala duwan oo reer Boston ah. Munaasabadan ayaa waxay ahayd mid lagu dooranayey Gudoomiyaha Markazka Boston Islamic Center ama Masjid Altaqwa ee labada (2) sano ee soo socdo.



Waxaa Allah Mahadii ah in Walaalkeen AbdulQadir Hassan Farah oo kamid ah dhalinyarada Altaqwa loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha Markazka BIC labada sano ee soo socota. Walaalkeen AbdulQadir wuxuu kamid yahay dhalinyarada sida aadka ugu firfircoon arimaha khayrka ah ee kasocda Markaska. Sidoo kale wuxuu horay usoo noqday Ameerka dhalinyarada Altaqwa sanadu markay ahayd 2009-2010.


Masuuliyadaan oo aan ognahay culayska ay leedahay Waxaan Walaakeen AbdulQadir Ilaahay ugu baryeynaa inuu u fududeeyo wanaagana uu waafajiyo. Sidoo kale waxaan walaalaha ehlu masjidka ah iyo dhamaan bulshada Somaliyeed ee reer Boston ugu baaqeynaa inay lashaqeeyaan walaalkeen AbdulQadir ilaahayna ugu baryaan inuu masuuliyada saran u fududeeyo. Ameen.


Hoos ka daawo Sawirada Munaasabada