Mu'tamarkan ayaa waxuu ka dhacay dugsiga sare ee "English High School"- 144 McBride St, Boston MA 02130. Waxaa kasoo qayb galay culimaa'udiin kala duwan oo iskugu jira Soomaali iyo Ajaanib ku hadla luqada English-ka iyo Somali. Mu'tamarkaas oo ay iskugu yimaadeen bulshaweynta Soomaaliyeed, ayaa la isku baraarujinayey in dariiqa Ilaahay lagu taagnaado goorkasta, waqtikasta, meelkasta iyo marxaladkasta oo lagu jiro.
Haddaba mu'tamarkaan ayaa lagu baraarujinayey ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Boston iyo nawaaxigeeda si ay ugu dhaqmi lahaayeen diintooda iyo dhaqankoodaba. Mu'tamarkaan saddexda beriba waxaa xariirinayey Guddiga Masjidka oo uu ugu horreeyo Guddiga Sare oo uu Gudoomiye ka yahay Shiikheena Sh.Cusman Yusuf iyo Gudiga intiisa kale, dhammaan Allah Jannatul Firdawsa Aclaa haku abaal mariyee! Sidoo kale waxaa xariirinayey Guddiga Fulinta oo uu ugu horreyo guddoomiyaha guddiga Fulinta-walaalkeen Abdulqaadir Faarax ilaahey Jannatul Firdowsa Aclaa ha kusoo dhaweeyo asaga iyo dhamaan Muslimiintii ka qeyb qaadatay, sidoo kalana intii aysan u suurta galin iney soo xaadiraan mu'tamarka daruufo jirah awgeed, waxaanu Allah u weydiinaynaa in Ilaahey (SWT) u fududeeyo daruufahooda. Waxaan jecelnahay intii fursadda u weydey ineey nala soo xiriraan, si aan ugu gudbinno dacwadii ka baxday intii mu'tamarku socday, taasoo loo duubay loona weeleeyey. Helitaanka cajaladahaas diyaarka waxaa idinka xiga masjidka oo aad lasoo xariirtaan. Fadlan aan ka faa'ideysanno daruustaas qalbinooleyska ah, waayo ma ogin in fursaddan oo kale dibnoo soo mari doonto.
Mu’tamarkan waa kii 7aad waxuuna xambaarsan yahay mawduucyo aad u gudaweyn. taasoo ka tarjumeysa sidey bulshoweyntu ugabaratay mu'tamarada joogtada ah ee uu soo diyaariyo Masjid At-taqwa. Walaalayaal kulankani waxuu ahaa mid wacyigalin meelo badan taabaneya. Waxaana ka mida: Qur'aan aqris, soo bandhigid Qur'aan iyo muxaadirooyin musalsal ah oo ay ka mid yihiin, Sidee Noloshaada ugu Raaxaysataa, Qiimaha cilmigu leeyahay, Nadiifinta Nafta, Talo Saarashada Allah, Ka adkaanshada Shahwaatka, Caadi Iska Dhig!, Ku Shukrinta Nicmooyinka Allah, Salaatul Leylka, Ka Jeesashada Illahay Xuskiisa, Kaligaa ha Dhiman!, Dheh Allah Baan Rumeeyey Kadibna ku Toosnow!, Masuliyadda ka Saaran Waaridka Ilmihiisa, Wadnaha Qofka Allah Rumeeyey, Ciffo-(Dhowrsanaanta), Daganaansho Kunooloow! Dhinica kale waxaa jirey barnaamij ku saabsan waxbarashada (college education), warbixinno ay soo diyaariyeen afarta jaaliyadood ee Soomaaliyeed ee ugu waaweyn Boston iyo dood wadaag dhexmartay hugaamiyayaasha Jaaliyadahaas ee afarta ah iyo aqoonyahan Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa jirey gabayo iyo nashiidooyin ay dhalintu usoo bandhigeen bulshada.