Haddana Muxaadarooyinkii oo Gaagaaban
Muxaadaradii 1aad: Sidee Noloshaada ugu Raaxaysataa
Sh. Abdirisaaq Hashi (xafiduhulaah)"Sidee Noloshaada ku Raaxaysataa” waa muxaadiro kusaabsan sidii lagu gaari lahaa nolol sacaado leh taasoo lagu gaari karo barashada cilmiga diinigaah. Sacaadadu waxay keentaa in qofku kunoolaado raaxo iyo daganaasho. Sacaadadaasi waa mid ku taagan afar tiir oo kala ah: cibaada ahaan waa in aad dhisantahay, in aad taqaanid sida dadka loo la dhaqmo, naftaada iyo caqligaagana ku kalsoon tahay, jirkaagana aad cadaalad u sameeysid caafimaad ahaan. Muxaadiradatanu waxay ka loo xusaysa: joogteynta shanta salaadod, badinta ducada, aqrinta Qur'aanka maalin kasta waloow uu yaryahayba. waxaad ogaadtaa guriga quranka lagu aqriyo Sheydaanku masoo galo haduu soo galana kuma daaho. Waxaa ka loo sacaado lagu helaa adigoo waaridkaa baari u noqda qaraabada u axsaan sameeyah. Waxaa ka loo sameeyn kartaa in aad la saaxiibtid dadka khayrka jecel oo aad ka dheeraatit dadka wanaag ka quustay ee xumaan jecel. Dadku wey rabaan in ay ku noolaadaan nolol sacaado leh laakiin mayaqaanan sida loo raadiyo sacado. Sacaadada naftaada ayaa laga raadiyaa. Fadlan muxaadirada ka dhameeystiro DVD-yadda diiyaarkaa.
Muxaadaradiisii 2aad: Qiimaha cilmigu leeyahay
Waxaa cilmi la yiraahdaa waxii Ilaahay kugu xiriiriya kuu dhaweeyah Allaah. Waxaa jira dad isku hoowla tacliinta maadigaa balse aan waxba ka aqoon diintooda. Cilimiga iyo mulkiga boqortooyadda, labadooda Ilaahay waxuu hormariyey cilmiga. Haddii aad boqor tooyo rabtid cilmi baad ubaahan tahay. Haddii aad rabtid maal waxaad ubaahantahay cilmi hadii kale waad ku khasaaraysaah. Sidoo kale haddii aad haysatit PHD ama Shahaado sare asaadan aqoon diintaada waad ku khasaaraysaah cilmi adduunyeedkaas. Dadkeena waxa laga helayaa, dad maal qabeen ah ama arday iskala weyn in uu masjidka soo xaadiro. Labo qof kaliya ayaa la tamaniyaa qof cilmi bartay oo dadka bara iyo nin maal Alle siiyey oo shilinkuu helaba ku bixiya Ilaahay dartiis. Cilmiga wax ka sareeya majiro. Qeybtii muxaadaratan qaaligaa baa Shiikhu kusoo gaba gabeyey asagoo dhilinyarada yaryar ka codsanaya in ay bartaan cilmiga, raacdeeyaan oo ay masjidka u aadaan. Raadinta cilmigu waa waajib dulsaaran muslimiinta oo dhan. Marka u horeysa intii aadan imaanin masjidka sax niyadaada. Markaad niyadada saxdid baad wax baran kartaah. Inta aad yaryar tihiin barta cilmiga. Fadlan muxaadirada ka dhameeystiro DVD-yadda diiyaarkaa.