Muxaadaradii 1aad: Ka Adkaansha Shahwaadka
Sh. Cabdullahi Ibraahim (xifidullah)
Muxaadaradaan, "Ka Adkaansha Shahwaadka” waxay nabaraysaa ka adkaanshaha shahwaadka. Shahwaadku waa qofkoo dareema inuu raadiyo wax uu ku raaxaysto, uuna ka leexdo jidka saxdaa oo ay aas aas utahay labo cudur. Cudurka koobaad waa qofka oo shahwadiisa raaca una sameeya naftiisu waxay jeceshahay. Taasna waxaa u daawo ah samir iyo adkeysi. Cudurka labaad wa in qofku kudhaco shuhbaadka oo uu qaado wado aan xaq ahayn ayadna waxaa daawo u ah in qofku yaqiinta raadiyo oo uu ku dhaqmo. Makhluuqaadka waxaa loo qeybiyey saddex qeybood: Qeyb aan shahwo loo sameeyn oo ah malaa’igta, qeyb shahwo lagu abuuray lakiin aan caqligii ayku xakameeyn lahayeen aan loo sameeyn oo ah xayawaanka waxaana soo hoos gali kara dadka shahwadoodu duufstay iyo qeyb lagu abuuray shahwo oo ah dadka markastana ay dagaalamaan caqligooda iyo shahwaadkooda. . Fadlan muxaadirada ka dhameeystiro DVD-yadda diiyaarkaa.
Muxaadaradiisii 2aad: Asbaabta guusha lagu gaaro
Waxan ogsoonahay qof walba wuu shaqeynayaah, waa uu dhibtoonayaah, qof walba qorshaa u jeexan. Qof waxuu ka shaqeynayaa wax san, qofna wax u xun. Allah (SWT) waxuu noo sheegay inta aduunka lajoogo in qofwalba dhibtoonayo oo uukadibna la abaalmarinayo. Guushu waxay ku jirtaa ka ka cabsashada Alle (SWT) meel walba oo aan joogno hadii aytay: masjidka guryaha, suuqyada, iyo meelaha kalaba. Ka cabsida Allah (SWT) waa furaha helida khayrka Allah. Qof walba waa in uu qorshe u dagan yahay hadii ay noqoto dhanka nololsha, dhaqaalah, wax barshada iyo in aad si weydiiso maxaa kaga dagan qorsho ahaan mid dhow iyo mid fog. Waxaa ugu qaalisan oo bini aadamka lasiiyey waa wakhtiga waa in aan falankeeda qabano sidii aan oga faa’iidaysan lahayn. Si kastoo qofka bini-adamkaa u caqli badan yahay talo kama maarmo marka waxaaa fiican in aad latashato dadka kaa khibrada badan. Qofka cimrigiisu waa sadex, waa cimriy uu soo dhaafay, mid uu hada kujiro iyo mid soo socotah haduu gaaro. Waxii tagay iska dhaaf, hada mustaqbal kaaga maxaad ka qaban kartaah. Waxii dhacay cashar hakuu noqdeen. Waa in qofku ehel kadhigto qof wax ku tarikara. Intaasi Waa qeeybo kamid ah asbabaha lagu gaaro guusha. Fadlan muxaadirada ka dhameeystiro DVD-yadda diiyaarkaa
Muxaadaradii: Talo Saarashada Allah
Ee Macalin Bare (xafidullah)
Muxaadiradan qayim ka ah ee ku saabsan Talo saarashada Allah” (SWT). Waxaa fiican in qofku qalbiga uu oga kal soonaado Allah (SWT) in uu ku filanyahay iyo inuu qofku ku raali noqdo qadarta Allah.Waxaa kaloo ka mid ah in uu Allah (SWT) uu na amray in asaga kaliya aan talo saarano. waana uu jecelyahay kuwa asaga kaliya tala saarta. Talo saarashada Allah waa wax wayn. Sheydaan ka ayaa ka dacwoodo dadka Allah (SWT) tawakala. Maxaa yeelay sheydaanku uma soo dhawan karo. Waxay dadku ku mashquulaan aduun loo qoondeeyay iyaga oo caloosha hooyadood ku jira. Waxa kaliya oo ay u baahanyihiin in ay Allah (SWT) ay talo saartaan kumana qadayaan. Fadlan muxaadirada ka dhameeystiro DVD-yadda diiyaarkaa
Muxaadaradii 1aad: Dheh, Allah baan rumeyey dabadeedna ku toosnow.
Sh. Abdulbary Yahaya (Xafidullah)
Waxaa asna soo jeediyey muxaadaro qayim ah hafiduhullah Sh. Abdulbry Yahaya oo ku hadlayay luqada English cinwaankeedu yahay "Say, I believe and then be steadfast” oo macnaheedu yahay Allah (SWT) ayaan rumeeyay dabadeedna toosnow. Waxay ku saabsaneed ku toosnaasha dariiqa Alle. Sidoo kale, waxuu ka hadley heerar kala gadisan ee iimaanka. Qofka iimaankiisu mar waa sara maraa marna wuu naaqusaa. Laakin waxaa muhiim ah in qofka uu yeesho meel uu imaankisa uusan ka hoos marin. Qofku markasta oo uu dareemo in iimaankiisu hoos u socdo, waa inuu ku dhagaa oo ku mintidaa sunnada, qofkaas ayaana libaaney aduun iyo aakhiro. Iimaanka ayaa waxaa ka mid ah, inaad Alle (SWT) u caabudid sidii adoo arkaya oo kale.
LASOCO QAYBTA 3-AAD