Dhulkaan wuxuu kuyaalaa bartamaha xaafada Roxbury ee Somalidu sida aadka ah ugu badan tahay. Si gaar ah, dhulkaan wuxuu ku yaal 50 Cedar Street, Roxbury, MA, 02119. Cabir ahaan dhulkaan wuxuu ka kooban yahay 18,000 square feet oo 8040 kamid ah ay dhisantahay iyo 10,000 oo parking ah.
Qiimaha dhulkaan lagu iibinayo ayaa dhan hal milyan oo doolar ($1,000,000). BIC waxay heshiis hordhac ah lasaxiixatay ninka masuulka ka ah iibinta dhulkaan. Haseyeeshee, waxaa nala kuxiray in aan soo cadayno inaan awoodno lacagta intaas la’eg oo aan keeno bank statement ama waraaq cadayn ah oo bankiga kasoo baxda. Waxaana naloo qabtay ilaa dabayaaqada Bishaan December 31, 2014.
Si aan u helno lacagtaas, waxaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Boston iyo agagaarkeeda ka codsanaynaa inay Masjidka amaahiyaan dhaqaalahaas. Waxaan isla garanay inaan helno 300 oo qof oo masjidka amaahiya min-$3,000. Lacagtaasna Masjid-ka ayaa kusoo celindoona mudo 6 bilood illaa sanad ah, kuna eg December 31, 2015. Insha Allah.
Waxaan umahad celinaynaa Walaalaha raga iyo dumarka leh oo isla markii aan go’aan kaan gaarnay masjidka amaahiyey dhaqaalahaan waydiisannay iyo in kabadanba. Xaruntaan hadii aan helno waad garan kartaan waxay tarayso bulshadeena. Waa meel aan ku badbaadsan karo Diinteena, dhaqankeena, caruurteena iyo dhamaan sumcadeena. Yaanan loo kala harin, qof walba ha isku dayo inuu ka qayb qaato mashruucaan. Waa naftaada ka qaad oo hadana Naftaada uqaad.
Waxaa mudan in bulshadu ogaato in BIC ay leedahay hanti dhul ah taas oo dhan 27,000 sq.ft. Hantidaas waa iib oo suuqa ayey ku jirtaa oo waxaana lagu beecinayaa $850,000. Rajo aad uweyn ayuuna Masjidku qabaa in sadexda bilood ee soo socda la iibsan doono. Insha Allah.
Waxaan Ilaahay waydiisanaynaa inuu muraadkeena noo sahlo, naguna guuleeyo inaan kaniisadaan u badalno Masjid. Sidoo kale waxaan Allah waydiisanaynaa in walaalahaas maalkooda baxshay iyo kuwa bixindoona uu u barakeeyo. Amiin
Fadlan la xiriir Khasnajiga Masjidka, Yonis Yasin, yyasin@bicmasjid.org, soo wac Masjidka Tel: 617-522-1881 ama Masjidka Imow.
Jazakumullah