Warbixin ku saabsan Dacwadii Shekh Mohamed Idris (Xafidahullah)

Tuesday February 17, 2015 - 15:39:00
0 Comments
2357
Abdullahi Xagalle
Assalamu Ailaykum Wr Wb. Dhammaan Walaalaha Ilaahay Dartiis aan u Jeclahay Iyana ii jecel, Meel Kastoo ay Joogaan. Mahad oo dhan Allaah ayaa iska leh, Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.


Walaalayaal sida aad horayba ula socoteen bishii Oct 16, 2012, ayey Dawladda Maraykanka igu furtay dacwad ay maxkamadda kaga codsaneyso in layga qaado Baasaboorka Maraykanka ee aan Qaatay Sanadkii 2003, Iyadoo dacwada ay gadaal ka riixaysey FBI da iyo Arrimaha Gudaha.


Markii dawladdu dacwaddaas furtay waxaan qabsannay qareenno difaaca dacwadda dawladda, ka dibna waxaa bilawday in dhinac walbaa soo bandhigo xujooyinka iyo markhaatiyada uu u cuskanayo dacwadiisa iyo difaaciisa, taasoo heerar kala duwan soo martay 2013 iyo 2014. Arrimahaasu inta ay socdeenna safaradayda dacwadeed wax is bedela kuma keenin Ilaahay mahadiis.

Bishii May 2014 waxay Qareenadeennu Maxkamadda hordhigeen mooshin (motion) ay ku codsanayaan in dacwadda dawladda la tuuro (Dismiss) maadaama ayan keenin wax la cuskan karo.



Bishii Nov 2014 Maxkamaddu Waxay inna soo gaarsiisey Iney diidey tuuridda dacwada. Muddo 15 cisho gudohoodna wixii dood aan ka qabno u soo gudbinno.


Bishii Dec 2014 waxay Qareenadu u gudbiyeen Garsooraha Dacwadda gacanta ku haya mooshinkii 2-aad ayna kaga codsanayaan mar kale inuu dacwadda dawladda tuuro, waxayna hor dhigeen caddayma badan oo tusinaya tag darrida dacwadda dawladda.


Bishii Jan 2015 dabayaaqadeedii ayuu qaadigu markale soo diidey tuuridda dacwadda dawladda, taasna macneheedu ahaa in dacwaddu socoto, oo maxkamadda la hor yimaado (Trial) da dibna uu garsooruhu dacwadda qaado oo xukunka kama dambaysta ah rido.

Shalay oo bishu bhayd Feb 16, 2015 ayaan la kulmay qareenada, iskana warsannay meesha xaalku marayo, waxayna ii sheegeen ineynu u diyaar garoobeyno marxaladdii kala baxa ahayd ee dacwadda la qaadi lahaa, waxayna noqoneysaa wixii bisha April ama May 2015 ka dambaysa Inshallaah, garsooraha ayaana soo sheegi doona maalinka maxkamaddu noqon doonto.


Maxkamaddu wexey noqon noontaa mid hal mar ah, naalin ama nabo ama naddex ayaa laga yaabaa iney socoto, kadibna garsooruhu uu xukunka rido, rafcaan waa jiri karaa. Mase xoog badna, hadii dawladdu dacwadeedda ku duulaysato, wexey noqoneysaa ayey yiraahdeen qareennadu in isla markaaba ay weydiisato fulinta in Baasaboorka lagaa qaado wadankana lagaa saaro.Markii aan weydiiyey waxa laga fili karo waxay ii sheegeen in aan la saadaalin karin go’aanka Garsooraha, laakiin Dacwadduna Culustahay, rajana aan qabno inaan ku guulaysanno Ilaahay idankiis.


Kharashka maxkamadda bilihii hadda u dambeeyey, oo qaar deyn laysugu leeyahay iyo maxkamadda soo socota waa ilaa $50,000 (Konton Kun oo Doollar) Wax kale oo soo baxa mooyaane.

Waxaan jeclahay walaalahay dhammaan inaan u sheego 3 Arrimood:


1) Mahadda Ilaahay ka dib, waxaan Idiin ka mahad celinayaa dhamaantiin meel kasta oo aad joogtaan, sida aad hiil iyo hoo, duco iyo dadaal iila garab istaagteen, Iiaahay subxaanahu watacaalaa ha idin ka abaal mariyo, waxaanan idin ka codsanayaa ducada iyo dadaalkaba inaad sii waddaan, Jazaakumullaahuhayral Jazaa, Ilaahayna abaalkiinna Janaatul Firdawsa ha ka dhigo


2) Aniga xaggayga waxaan idiin sheegayaa in niyaddaydu xasiloontahay, qalbigayguna deggan yahay, ilaahayna Subxaanahu Watacaalaa aan ku kalsoonahay inuu wax walba isagu gacanta ku hayo, wax walbana isagu leeyahay, addoomuhuna aaney waxba awoodin waxna lahayn, rabbigayna ii doorayo mar walba sida khayrku ugu jiro aniga iyo diintayda iyo dacwadaydaiyo dadkayga.


3) Waxaan asxaabta dhan u sheegayaa, shirarkii iyo ballamihii iyoBooqashooyinkii dacwadeed ee qorshaysnaa bilaha soo socda: Sida shirka Norway, shirka Holland, booqashadii ardaydeenna China, iyo shirarkii Canada, iyo safarada kaleba iney sidoodii yihiin inshallaahu inta aan socon karo, hadii aan Noolahay, Ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu nicmooyinkiisa faraha badan ee uu na siiyey noo siyaadiyo.

Jazaakumullaahu Khayral Jazaa, ducadana si guud iyo si gaaraba iigu soo wada.



Walaalkiin: Sh. Maxamed Idiris Axmad.. Columbus, OH
Feb 17, 2015
hayaan@gmail.com