Updates about the monthly sermons that took place on Friday March 27, 2015

Tuesday March 31, 2015 - 21:32:31
0 Comments
2544
Assalaamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakaatuh… Walaalaha qiimaha iyo qaayaha badan leh ee la socda boggan Boston Islamic Center waxaan halkaan idiinku soo gudbinaynaa nuqul ku saabsan kulan diimeedkii billaha ahaa ee Boston Islamic Center ama Masjid Taqwaa ee bisha March, 2015. I


Ikhwaanii Jumcihii ay bishu ahayd 27da Maarso ayaa waxaa qabsoomay kulankaan oo sida caadada ahba bilkasta qabsooma. Ciwaanka kulanka ayaa ahaa "Caqiidada Toosan waa Jidka Guusha.” Waxaa haddaba, walaalayaal, kulanku koobsaday muxaadarooyin iyo tartan dhex maray laba kooxood oo arday masjidka kutub ka qaata ah. Muxaadarooyinka oo ahaa laba ayaa waxaa soo jeediyey shuyuukhdeenna (Sh Osman Yusuf iyo Sh Yusuf Abdulle). Ayagoo ka kala hadlay "Caqiidada Toosan ee Saxda ah,” iyo "Waxyaabaha Caqiida Toosan Aafeeya” oo siday isugu xigaan u kala jeediyey.





Sidoo kale tartan aad u xiiso badan ayaa kulankan ku dhexmaray labada kooxood ee Cumar ibn Khaddaab iyo Abubakar Assadiiq oo ku tartamay kitaabka Uthulu Thalatha. Su’aalaha la weydiiyey oo aad la isaga agdhowaa ayaa dhalinyaradii ka qeybgashay ee labada kooxoodba muujiyeen dedaal dheeraad ah oo halkaasi ay aad isugu dhowaayeen. Haddaba, guuli laba kama wada qoslisee waxaa meeshaa guushu ku raacday kooxda Cumar Ibn Khaddaab oo heshay 47 dhibcood halka kooxda Abubakar Assaddiiq ka heshey 45 dhibcood.

Gunaanadkii waxaa culimadu dadweynihii muxaadarooinka kasoo qeybgalay ku booriyeen inay bartaan diintooda oo ay ku dedaalaan tubta toosan waxyaabaha caqiidada fasaadiyana iska ilaaliyaan.

ENGLISH:

Dear respected brothers and sisters, We would like to update you about the monthly muhadara that took place this past Friday at the Boston Islamic Center. This Muhadara takes place usually once a month and as scheduled this one was on Friday March 27th. The event was entitled under the theme "The Correct Creed is the Way to Succeed.” 


This event contained 2 sermons and a competition between two teenager groups who competed on Uthulu Thalatha Kitab. The two sermons were presented by our sheikhs (Sh Osman Yusuf & Sh Yusuf Abdulle) about two wonderful topics in Islam. The first was about the "The Right Creed” and the second was about "Things that could damage the Right Creed.”


The competition between the two groups of boys however had a lot of attention. It was on the Uthulu Thalatha book. Omar Ibn Khattab group competed against Abubakar Assaddiiq group. These two teams tried very hard for each team to finish on top and they were very close. In the end, Omar Ibn Khattab group won by 47 points while Abubakar group had 45 points.


In conclusion, the sheikhs urged the congregation that they should learn their religion and be part of the correct creed. May Allah reward for all of us to 
Jannah.

Wabillahi Tawfiiq