Hamoogan Muxaadarada Bisha, Waa Jimcaha April 24, 2015

Thursday April 23, 2015 - 00:21:37
0 Comments
2031
Assalamu calaykum Wr Wb. Walaalayaal sidaad nooga barateen waxaan idinku wargalinaynaa in Muxaadaradii Billaha ahyd ay dhici doonto Jimcaha Bisha April ay tahay 24, 2015. Inta u dhaxaysa Maqribka iyo Cishaha. Muxaadarada bishaan waxay ku saabsanaan doontaa asxaabtii nabigeena scw ee dumarka ahayd ee doorkii ay kasoo qaateen diinteena suban.


Waxaa muxaadaradaan ka qayb qaadan doona culimadeena kala ah Imam Yusuf Abdulle, Sheikh Cusman Yusuf iyo Walaakeen Mohamed Huseein ( Carab). Sidoo kale waxaa garab socon doona barnaamij kale oo ah bandhig Quran iyo tartamo u dhaxeeya dhalinyarada duruusta qaadata Masjidka maalinka jimcaha.


Fadlan hamoogaan kuna soo casun qoyskaaga, asxaabtaada iyo dhamaan inta aad lajeceshahay wanaaga. Wabillahi Tawfiiq