Warbixin ku saabsan Muxaadardaii qabsoon tahay April 24, 2015

Friday April 24, 2015 - 22:13:02
0 Comments
1227
السلام عليكم ورحمة الله

السلام عليكم ورحمة الله 

 

Walaalayaal waxaa Boston Islamic Center qabatay, sidii caadada ahayd, muxaadaradii billaha ahayd Jimcihii aynu kasoo gudubney, ee April 24, 2015. 

Muxaadaradii bishan oo loogu magac daray "Noloshii Saxaabiyaatka" ayaa waxaa ay ka koobneyd: 

1) Quraan akhris

2) Tartan Uthuluthalatha

3) Muxaadaro English ah

4) Laba muxaadaro oo Soomaali ah

Iyo 5) Tix Gabay ah

 

Haddaba walaalayaal, quraan akhris ka waxaa ka qeyb qaatay caruurta yaryar ee dugsiga oo cod qurxoon kasoo bandhigay madasha. Sidoo kale, tartanka waxaa wada galay ardayda masjidka ee Uthuluthalathaha dhigta oo saddex kooxood ahaa. Ibn Cumar, Ibn Cabaas, iyo Ibn Mascuud. Waxaa guushu raacday Ibn Mascuud oo heley 35.5 / 40 halka Ibn Cumar ka heley 28.5 / 40 Ibn Cabaas na waxay heleen 20.5 /40.

 

Waxaa intaa dheeraa, muxaadaradii English ka ahayd oo uu jeediyey Bro Muxamed Xuseen (Carab) ayaa dhalinyartii khaasatan iyo dadkii dhegeystey soo jiidatay iyadoo ka hadleysey "Xishoodka."

Waxaa ku xigay iyana muxaadarooyin qiimo badan oo ay kala jeediyeen Sheikh Yusuf iyo Sheikh Cismaan oo ka hadlay axwaal kala duwan oo haweenkii saxaabada dadkana aad u dhegeysteen. Tix gabay ahna waa laga jeediyey madasha. 

 

Haddaba, walaalayaal waxaan dhamaan idinka codsanaynaa inaad kheyrka iyo muxaadaraadka soo camirtaan walaalaha kalena keentaan. Jazaakumullaahu kheyr.