Warbixin ku saabsan Ciidul Fitriga iyo goobta lagu ciidayo Insha Allah

Tuesday July 14, 2015 - 20:58:47
0 Comments
1863
ASSALAAMU CALAYKUM>>> Walaalaha sharafta leh ee reer Boston iyo nawaaxigeeda waxaa Masjid Attaqwa uu ku wargelinayaa soo foodsaaridda maalika Ciidul Fitri oo noqon doonta Jimcaha July 17 ama Sabtida July 18.

Walaalayaal sida nebigeenna ka sugnaatay waxaan ku ciidaynaa oo raacaynaa aragtida bisha ama dayaxa Shawwaal. Haddaba, Masjid Attaqwa waxaa uu dhamaantiin idiinku hambalyaynayaa farxaddan ballaadhan ee umadda muslimka ahi meel walba oo ay joogaan uga dabaal degayaan. Walaalayaalow waxaa Salaadda Ciidda ee Boston sanadkan lagu tukan doonaa addresskan:


Melnea A. Cass Recreational Complex
120 Martin Luther King Jr. Boulevard
Roxbury,  MA 02119 
Waa isgoyska Washington Street iyo Martin Luther King Jr. Boulevard-- ama meesha dhalinyarada Somalida Weekends ku cayaaraan kubada cagta.

Ciiddan waxaa soo wada abaabulay Masjid Attaqwa, Masjid Alxamdulillah iyo Masjid Al Raxmaan. Walaalayaal waxaan idinka codsanayanaa in wakhtiga salaadda la ilaaliyo ayadoo takbiirtu bilaaban doonta 7AM salaaddana la geli doono 8AM.

Masjid Attaqwa waxaa uu idin leeyahay:  KULLU CAAM WA ANTUM BIKHEYR. TAQABALALLAH MINNAA WA MINKUM.

Walaalayaal fariintan gaarsiiya dhamaan qaraabada, asxaabta iyo dhamaan dadka muslimiinta ah.


Jazaakumullah Kheyr