Dheeho mawduucyadii culimada iyo akhyaarta kale oo si kooban qoraal loogu soo koobay

December 04, 2013
0 Comments
2779
Abdullahi Xagalle
waxaad halkaan ka dheehan kartaa mawduucyadii ay culimadi ka jeediyeen Mutamarka iyo akhyaartii kale oo si kooban qoraal looga sameeyey. Insha Allah dhawaan ayaan soo saari doonaa dhamaan muuqaaladii oo mutamarka 2013.


Sh. Ahmed Sulub (Xafidullah).

Mideenta qoyska

Barnaamij aad qiimo badan ayaa shiikhu soo jeediyey. Barnaamijkaas oo meela badan ka taabanaya mideenta qoyska ayadoo lafiirinaayo arimaha laxariira Qoyska xariirintiisa,qoyska jiritaankiisa , guurka, dhaxalka iyo waxii la halmaala. Dhanka guurka hadii labada qof oo isqaba ay heshiin waayan furiin baa illahay baneeyey. In ninkii xaaskiisii iyo ilmahahiisa inuu diinta baro, dugsiga geeyo. Dhanka caqiidada waa ineey iska saxaan oo ay iska kaalmeeystaan caqiidada reer bidcada iska saxaan. Sidoo kale waxaa muhiim ah in qoyska salaadii, sadaqadii, soonka iyo xajkii isu kaal meeystaan.Shiikhu Waxuu kusoo gabagabeeyey nasuusta kucad xadiista iyo qurankaba oo quranku kahadlayo oo dhahaya yaa illahay amaahiniyah wax. Waxaasoo  ah sadaqa labaxa. Waa ineey lamaanahu isu kaalmeeystaan sadaqa bixinta. Shiikhu waxuu kaloo qudbad kasoo jeediyey

Isku xirka qoyska muslimka --xariirka ka dhaxeeysa qoyska iyo iskaal meesiy toban qodob.

Qoyskii oo Isu kaalmeeysanaya samir raga iyo dumarku ineey isu naxariistaan. Nin weey qurigiisaa qariya ayaa horay loyiri ninku naagtiisa labo ayuu ku haysan karaah (A) inuu u naxariisto (B). ama uu jecelyahay. Ninka iyo naagta maxaa laysigu baneeyey. In ninku iyo xaasigiisu ay kudhaqmaan naxariis, isla tashiy, isfaham, maal wadaag, isqadarin iyo qoys wanaag. Ninku markuu rabo inuu sadaqeeysto waa inuu latashado xaaskiisa gabadhunah sidoo kale waa ineey latashataah ninkeeda. Islaamku xagee buu islamku dumarku nabiga ascw gabdhohooda weey aasi jiriin. Nabi Mohamed markuu yimid dumarka xaqooda buu siiyey. Markii wadanka reer galbeedka layimid gabdhaha waxaa logu abtiriyaah ninkeeda aabaheed meeyey. 2. Dumarka reer galbeedku waxay u isticmaalaan xayeesiin, saabunaha, iyo wax kasta oo aay rabaan ineey beec geeyaan.Bukhaariy waxuu soo saaray nin iyo naag faafinaya sirtooda , ninka iyo naagta isqabah dharbeey isu yihiihiin. Ceeb dhimaniy majirto hadii ninka iyo naagtu wax walbo oo sirtooda kusaaban ay banaanka keenaan siiba gogosha. Sidedba hadii dad badan baa waxay uhaystaan . ragu hadii ay isu tagaan dumarku waxay umalaynayaan in dumarka laga hadlayo ragunah waxay umaleynayaan hadii dumarku isu tagaan ineey ayaga kahadlayaan laakiin saas xaqiidu ma ahan. Quruxdu sideedaba waa labo.waa quruxda jirka iyo qaabka iyo dabeecada, dabeecadaa weeyn. Waxaan ku khatimaynaah in ninku iyo naagtu ay iskaga kaalmeeystaan masuulida. Kuligii masuul baatihiin waa leyna weeydiin inaad kasoo baxday masuulkaas. Musuulku ma ahan dhaqankan qurbaha loogu yimid qorbaha ee markuu qofku 18 sano gaaro ayuu masuul noqdaah. Dhamaantiin ilaaliyaal baa tihiin. Su’aal baa inoo taal waa inaan hada kasoo fakarno. Somalidu waxaay dheeh ninku iyo naaagtu colaadnah maha nabadna maha. Taas loom baahna. Waa inan raacno waxii diintu nafaro waa ineey isu naxariistaan. Gabdhaha xaqooda ha layska ilaaliyo ragunah xaqa dumarka ha iska ilaaliyaan.

Sh. Abdulbary Sh.yaha(xafidullah)

Tiknolojiga oo si xun loo adeegsado(miss use of technology)

Shiku barnaamij aad u qeeymo badan oo ka hadlayah khaasrah iyo faa iidooyinka isticmaalka tiknoolajiga ayuu mut’amarka kasoo jeediyey oo aan hal kaan lagu soo koobi Karin. Badanaa ticknoolajiga waxaa loogu talagalay in lagu hormariyo wada xariirka kadheexayn karah caalamka dadyoowka kunool. San ognahayba adeegsiga ticknoolajigu waa wax diyaar inoo ah meelkastoon joognaba. Tiknoolajiga waxaa loo isticmaali karaah sida in aad u adeegsatit waxii fiican oo dhan sida waxii kusaabsan dacwo fidinta, wax barashada iwm. Dhanka kalana tiknoolajigu waa kula taarixi karaa oo wax faaxish ah buu lugaha kuu galin karaah. Sida in aad kadaawatit wax aan indhahaaga loogu tala galin.Shikhu waxuu tusaale usoo qaatay qiso. Sida nin habeeynkii saqada dhexe xaaskiisii sariirta ooga soo tagay oo barsada yimid kidiba bilaabay inuu daawado boorno ama nin iyo naag isfuushan, kadibna gabar yar uu dhalay aysoo kacday oo aragtay waxa aabaheed kudhex jiro kidibna kutirih aabe ceeb dushaada ah ahaato(shame on you)….. sheekadu waa dheertahay laakiin intaas baan ooga harin.

Shiikhu waxuu kaloo kahadlay: edaabta waxbarshada loo maro

Wadamada westernka waxaad kaheleysaah dugsiyo badan hadana ilmo badan oo quranka bartay. Ilmo badan baa markaad damacdid in aad wax bartit ayaa kumashquulinya in aad ayagii marka hore habeeysid. Boogaagtii beey rogrogayaan, maku dhageeysanayaan. Ahdii aad tiraahidi maad imam shafici raximullah ku dayatit iyo edaabtiisii waxay oran imam shaficiy nin wanaag san buu ahaa. Mararka qaarkood waxaad arki kartaah dad bixinaya dacwa aan xikmadi lasocon. Waxaan kutalin lahaa inaan wakhhtigeena ka faa’iideeysano waloow ayku tahay markaan gaariga saaranahay,guriga joogno, weelasha dhaqanayno, suuqa kasoo adeeganeyno waxaa loobaahanyahy inan ilmaha weediino waxii korinaya ilmigooda. Qofku markuu rabo inuu cilmi siyaadsado ha fiiriyo faa’dada kasoo galaysah sida inuu ajar kahelo. Hala saaxiibo qof uu lakaameeysto waxabarshadiisa. Shiikh qudbadiisa intaas ayaan kasoo dulmaraynaah

Sh.Abdirixman Cumar..

Muhimadda Qoyska ku leeyahay diinta islamka.

Qoyska maxuu muhiim uyahay?

Waxuu ka kaalmeeyaa lamaanaha xasaloonida xaga nafsada iyo qalbiga, waxuu taba barayaah ninka iyo haweeyneeyda ineey masuuliyad qaadaan, in jiil jiilka kaloo badan aydhashaan, qofka in cirdigiisa iyo sharafkiisa dhoorsamo, waxaa qoyska kus sameeysma busho caafimaad qabta. Guurka meelo badan ayuu kusoo arooray quran waa amar kuwajahan muslimiinta oo dhan oo ayka midyihiin , walaalkii, aabihii, hooyadii, xataa adoomaha ha loo guuriyo. Nabigu scw waxuu ina amray qofkii awoodah inuu guursado ha guursado maxaa yeelay guurku ishuu laabaah. Hadii ishu sii laamantahay farjiga waa la ilaalinkaraah. Wiilkii haduu guursado wuu ilaalinkaa farjigiisa maxaa yeelay iimaankiisii bar buu haystaah. Qofkii aan guursankarin hasoomo…maqaasida waaweyn oo shantaah midka mid ah buu guurku ilaalinayaah sida nafta, maalka diinta cirdiga, sharafta iyo nabadgalyada.. yaakuu ilaliyey abtiriska waxaa kuu ilaaliyey diinta, qoyska , guurka. Qofka dumarkaa waa ineey ilaaliso ninkeeda xaquudiisa askagana sidoo kale. Hadii furitaan laga maarmiywaayo: gogashii halooga haajiro, caday ama cimaadada madaxeeda ha lagu dhufto, hadii ay xawshu kasoo reeyn weeydo qaraabada dhow oo reerka dhismihiisa jececal haloo Waco oo ha lasku dayjo in laxaliyo. Hadii howshii kasoo reeyn weeydo furiin baa imaan: hal dalqad haku furo wakhti ha lakala qaateen. Kadib hala iskusoo noqodo hadii ay howshu kasoo reeyn weydo dalqad labaad hasii daayo wakhti kalana ha kala qaateeyn, hadii ay hoowshu kasoo reeyn weeydo dalaqad sadexaad hasiiyo saas beeyna gabadhii kufurmin. Hadii ilmo meeshii joogaan Ilmahaas aabahaa musuul ka ah waa in cuntadoodii iyo nafaqadoodii uu ilaaliyaah.

Sh. Maxamud Garyare

Maxaad ku dooran dhigaaga

Maxaad ku dooran dhigaaga, gabadho ama wiilku maxuu yahahay safooyinka laga rabo ninka oo gabadhu ay kudooran: Ninka diita yaa lagu dooran maxaa yeelay waxuu xafidinayaah naftiisa iyo ehelkiisa oo ka ilaalin shuhubaadka. Haduu jecelyahynah wuu karaameey haduu go’aansado inuu katago na si sharafleh buu ooga tagin: qofka diinta leh waxuu ogayahay in gabahdu khaldamiykarto. Ninka waxaa lagu dooran akhaaliqda wanaagsan. Ninka ikhyaarkah waa ninka naagtiisu kudul soconayso. Ninka diinta leh waa ninka u garsoora xaasikiisa xaga diinta iyo xaga aakhiraba. Ninka waxaa lagu doorankaraah inuu ka runsheego waxa xaaladiisu yahay maal hadusan haysan wuu usheegin

Sifaadka maxaa laga rabaa gabadha dhigaaga ah: Gabadha waxaa lagu dooran diinta –waa waxa ogu horeeyah.Gabdha waxaa loo guursadaah: dint, maalkeeda, quruxda iyo diinteeeda: Gabdhu waa beer markii lafiiriyo sida dadka illahay u abuuray, hooyooyinka laguursanyo waa ineey wanaagsantahay: Gabadhu waa ineey akhlaaq leedahay:ragii caqliglaah waxaay dheeheen haguursanina 6 lixda dumar A. mida taaha badan-waan jiranahay B.Mida ogu manasheegada ninkeeda waxaay utartay C. Mida markasta u ololeysah ninkeeda mid aan ahaayn. D. mid naha dadka kale waxaay guryahoda kale beey u hanqaltaagin E. mida isku mashquulsan oo is xayeesiinaysa ayadu. Waxuu kusoo gabagabeeyey gabay fiican oo diin ah oo dhan walba taamanayaah:

Sh. Abdirisaaq Hashi (Xafidullah)

Waxaa cilmi baaris lagu ogaaday in dadyar ay qorsho u dajiya noloshooda ayihiina kuwa hugaanka u hayah dad farabadan. waxuu soo jeediyey barnaaji hadaad samayso saamayn wayn ku yeelanaaya sidaad ku fahmi lahayd noloshaada iyo inaad dareento dadnimadaada. Barnaamij hadii lagu dhaqmilahaa wax weeyn ka badali lahaa mustaqbalkeena aakhiro iyo aduunba. Nolosheena good iyo tan gaar ahaaneed. Waa barnaamij wax kaa barayah muhiimada noloshaada iyo sidaad ugaari lahayd hadafkaaga ama qorshahaaga.Barnaamijkaas oo taabanayey sida dhinic ruuxda qofka, cilmiga iyo wax barashada, dhinaca qoyska iyo caruurta, dhinaca dhaqaalaha iyo maalka, dhinaca shaqada iyo dhiniyo kaloo badan.

Shiikh Mohamed jaaber

Waxuu muxaadiro kasoo jeediyey Maxuu yahay qoys iyo sedeeh baa loo udub taagiy karaah qoys kunool wadamada galbeedka. Marka u horeeysah waa inaad duceystaah. Qoyska muslimka ah markii qoys layiraahdo waa ka baaxad weeynyahay abo, hooyo iyo ilmahooda. Qoyska waxaa soo hoos galayah qaraabadii iyo dhamaan muslimiinta kala oo dhan. Markaad rabtit in aad shisto qoys taagnaada marka hore iska ilaali waxaaba khasaarada ugeeysankarah qoyskaaga dhankastaba hanoqoteeh. Raadiy busho fiican oo reerkaaga ku dhex noolaan karo. Sheikh qudbadiisa intaan kuma koobna laa kiin weey badantahay.

Mohamed Jamac..

Wacyi galin

Wadaad ma ihiy laakiin wadaada waan jeclahay. Mutamarkii hore waxan kahadlay dhalinyarada… hadanah waxaan aaday Somalia markaas baan wadaada soo jecelaaday. Dugsi kasta waxaa bilaabay wadaad. Waxaan arkay dadku nool noloyshii hore waxaan kaloo Somaaliya markaan tagay waxaan soo arkay dad yaryar oo tacliin ugaajeesan. Loocyada ayey xisaabta kalkalseeyska ku qortaan. Skoolka hada aan wax kadhigo Ilmaha indha yartaah markaan usheego akhri hal buuk waxay soo akhriyaan labo. Ardayga soomalidana markaan usheego soo akhri hal book waxuu ku oran waxaan kashaqeeyaah labo shaqo. Waxaan dhalinta kula talin. dhaqankaaga hakatagin, diintaada heeso, hoosta ka xariiq waxaad rabtit inaad noqotit, isticmaal lacagta dowladu kusiiso inaad wax kubartit, dooro saaxiib wanaagsan. Waradiinta u ogolaada in ilmihiinu riyoodaan. Hadii ilmahaagu rabo inuu noqdo dhakhtar u ogoloow iyo waxii kaloo ayrabaan. Waxaan lakulamay wiil yara oo Somali dokhtor ah. Waxaan ku irih sideeh baad kunoqotay dokhtor waxii yirihi boogaaga ayaa saaxiib ii ah.

Abdulkhaadir Yasiin

Caawa waxaan halkan umid inan kafakaro maxaan walaalahay lawadigi karaah .dhibaato badan baa haysatah bushadeena, badanaa waxaa la eedeeyaah ilmaha, marna haayadaha, waraadikunah waxay eedeyaan ilmaha. Qofkii sogaha in ilmahiisa, in mashaajidku u koriyo, in haayado u koriyaan, ama in busha weeynta aan la noolnahay u koriso ilmihiisa waa dayacay. Anigu waxaan qabaah in waarid badan ay dayacaan ilmahahooda. Magaaladaan waxaan daganahay wax badan. Magaaladaan Xaasidnimada baa kubadan waxaasi islaamnimo mahah, ilmo badan oo ogoon ah baa dagan magaaladan waxka warqabo majiraan. Waxaan taaganahay heer qofka lagu ceebeeyo dhibaatooyinkii soo maray taasina islaam mahah. Waxaan kufakaryey maxan lawadaagi karaaah dadka walaalahay, waxaan rabaah inan inii sheego diinteena aa ku camalfalno, aan isu ogaalno inaan waxa wanaagsan isfarno. Caawa waxaan jeclahay inaan caawa is cafino, aana kala danbeeyno ilmaheenana qof qof oma korin karno ee aan wada korsano.

Abdirahman hiiraamow

Mohamed Hiiraamoow oo kasocday civil engegment.waxuu umahad u celeyey culumada katimid goboladda kale duwan, Dumarka, dhamaan dadka isgu yimid mutamarkan. Waxuu yiri bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada tan kasocday doorashad duqa magaalada taaso keentay in dadka kooban 12 qof ay u tartamaan jigada duqa magaalada Boston.Hasa yeesheeh 2 qof ayaa kasoo haray. Gudiy soomaliyeed baan asaasnay markaan baahita looqabo in Somalia Boston ay cudkooda ku hormaraan. Taasoo aan go ‘aansanay in aan codkeena oogu shubno qofkii baahindeena ka hadla aan isku raacno. Musharax baan dooranay. Somalidii baan goob isku keenay oo lahadlay soomalidii. Godigii baa suurta galiyey in somalidii soo caan saaraan oo keentay ineey joornaalka goobka lagu qoro. Dadbadn oo aan magacyadood aysan hal kani ku qorneeyn ayaa kamid ah gudigaas oo aan mahad u celineynaah iyo dhamaan somalida reer Boston.

Maryan Gas

Horay baa waxaa looyirih, Asaxaabtii ayaa waxaa laweeydiiyey ma maal baad rabtaan mise cilmi. Maxaa yeelay maaku aduu raacis kaa rabaah balse cilmigu asagaa kuraacayah oo ku ilaalinaya.Xalay qurank ay ilmu inoo akhriyey aad baan ogu farxay.Baraarjun ayaan caawa halkaan kasoo jeedinayaa, quranka aan ku dadaalno barshada quraanka. Aan ilaalino in aanan ku dulhadlin quraanku markuu daaran yahay. Taleefonda badan aan iska yareeno, waa inan kalmada ashadu an laa ilaaha ilalaahu dhaqan galino oo ku dhaqano. Illaahay diinteena hanagu sugo.

Gaba gabadii mutamarka

Mutamarkii baa waxuu kusoo gaba gaboobay abaal marin loo sameeyey dhalinta dhigata Masjidka Al-taqwa. Halkasoo lagu gudnoon siiyey shahaadooyin kuwii dhameeyey qooranka iyo kuwii ku bara moosay itixaanadii laga qaaday. Sidaas iyo hadii illahay idmo mut’amarka danbe: Asalamu caleykum waraxma tullahay wa barakaatu


Saturday Mutamarkii Boston